Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidanka AMISOM ay joogayaan illaa Cuna-qabateynta laga qaado

0

C/Salaan Cumar Hadliye oo uu waraystay wargeys kasoo baxa dalka Rwanda oo la yiraahdo The New Times ayaa sheegay in ciidamada midawga Afrika ka socda ay dalka sii joogi doonaan illaa dawlada Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran ciidamada Soomaaliyeedna ay awood u yeelanayaan hanashada amiga dalka.

Wasiir Hadliye oo la weydiiyay waxa u qorshayshan marka ay ciidamada AMISOM Soomaaliya iskaga baxaan sida la hadal hayaba ayaa waxaa uu sheegay inay u baahan yihiin ka hor inta aysan midawga Afrika ciidankooda Soomaaliya ka saarin dhisida ciidamo awood leh oo Soomaaliyeed iyo in la qaado cuna qabataynta hubka ee wadanka saaran.

Wasiirku waxaa uu muujiyay rajo ah in arrintaas ay qaadan karto sanado labo ama sadex ah waxaana uu intaa ku daray in dawlada Soomaaliya ay dooneyn xilligaan in ciidamada AMISOM dalka ka baxaan.

Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay badi qabteen shaqadii ay dalka u yimaadeen ee aheyd taageerida dawlada Soomaaliya waxaana uu ku heereeyay shaqada ay ciidamadu qabteen 80% hase ahaatee waxaa uu xusay in dhameystir loo baahanyahay.

In ciidamada AMISOM dalka ka baxayaan marka la diyaariyo ciidamo Soomaaliyeed oo agabkoodu u dhameystiranyahay awoodnaa u leh la dagaalanka argagagixisada ayuu sidoo kale sheegay wasiirku.

Mar wax laga weydiiyay arrinta ku saabsan dawlada Uganda oo ay ciidamada ugu badan Soomaaliya ka joogaan oo ku dhawaaqday in ciidamadeeda Soomaaliya kala baxayso marka la gaaro 2018,ka ayaa wasiirku waxaa uu tilmaamay in go’aankaas aan la wada qaadan hase ahaatee ay dawlada Uganda ay willi taageero dhanka ciidamada ah uga baahan yihiin.

Ururka midawga Afrika madaxdooda shirkii ay dhawaan ku yeesheen magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa go’aanadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in ciidamada AMISOM ay dalka Soomaaliya ka baxaan wixii ka dambeeya sanadka 2020,ka.