FAAH FAAHIN-DAAWO:Qarax Oo Xoogan Oo Ka Dhacay Agagaarka Masaajidka Nabiga CSW Ee Magaalada Madina.

0

Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay meel ku dhow saldhigga Ilaalada ee Masaajidka Nabi Muxamad (NNKH) ee magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga Carabiga.

Qaraxa ayaa dhacay xilligii la afurayay, waxaana ku dhintay illaa afar ruux, halka 10 kalena ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay Telefishinka Al-Carabiya.

Sawirada uu soo bandhigay Telefishinka Al-Carabiya ayaa waxaa laga arkayay qiic iyo holac ka baxayay nawaaxiga masaajidka, iyadoo baabuur banaanka ku sugneyd ay gubanayeen

Masaajidka uu ku aasan yahay Nabi Muxumed (NNKH) ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyay, waxaana dadka ku cibaadeysanayay ay goor sii horeysay u dareereen salaada cisaha iyo taraawiixda.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Masaajid ku yaal magaalada lagu magacaabo Qatif oo ku taal bariga Sacuudiga, halkaasoo ay ku nool yihiin dadka Shiicada ee laga tirada badan yahay, waxaana uu ka dhacay.

Qaraxyadan ka dhacay dalka Sacuudiga ayaa noqonaya kii saddexaad, saaka waabarigii ayaa qarax ismiidaamin ah waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Qunsuliyada Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay magaalada Jeddah.

Ma jirto cid sheegatay qaraxyada, hase ahaatee muddooyinkii u dambeeyay qaraxyo ka dhacay Sacuudiga oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay degan yihiin shiicada ayaa waxaa Mas’uuliyadooda sheegatay Kooxda dowladda islaamiga ee IS.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media