Faah Faahino ka soo baxaya Dagaal Culus oo ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

0

Wararka Shabakadda Warbaahinta Allgalgaduud.com ay ka heleyso deegaanka Raaxoole oo qiyaastii 50 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ku soo warramaya in halkaas uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada maamulka Koofur Galbeed oo garabsanaya kuwa Ethiopia iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamada Ethiopia iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ay weerar culus ku qaadeen Saldhigyo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Raaxoole ee Gobolka Baay.

Inta la ogyahay 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyootay halkaas tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah  dadka ku nool halka dagaalku uu ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee maamulka Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana Bartilmaameed looga dhiganayay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan deegaanka Raaxoole ee lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Huwanta ah.

Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada maamulka Degmada Diinsoor ee la wareegista Raaxoole oo ay horay uga arriminayeen Xarakada Al Shabaab.

Dhinacooda Al Shabaab weli kama hadlin weerarkaas lagu soo qaaday Saldhigooda Raaxoole oo hoostaga degmada Diinsoor.