Faah faahino ka soo baxayo dilka caawa loo geystay Sheekh caan ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya

0

Allaha unaxariistee waxaa caawa Masjid ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu dilay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Sheekh Caamir isagoo ka soo baxay Masjid ku yaala degmadaasi ay ku dileen.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxaha dilka geystay.

Magaalada Muqdisho Bishan Ramadaan gudaheeda waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah