FAAHFAAHIN:- Maxaa ka cusub Marka ?

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in ay hareereeyeen Magaalada Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa Xerada Ayuub ay ka soo galeen Magaaladaasi dhinaca Xeebta halka kuwii ku sugnaa deegaanka Buufow ay ka soo galeen Magaalada dhinaca Buurta kaga beegan Magaalada Jihada Galbeed.

Ciidamadaasi ayaa ugu horeyn gudaha u galay Magaalada Marka walow haatan la soo sheegayo in ay dib uga gurteen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle qadka Taleefanka kula hadlay ayaa sheegay in ay soo food saartay cabsi xoogan in Magaalada uu dagaal ku dhexmaro Ciidamadaasi AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Magaalada Marka.

Magaalada Marka ayaa indhawaanahaan waxaa ka taagnaa xaalad kacsanaan ah iyadoona ay halkaas horay isaga baxeen Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah gacanta ugu heyso Magaalada Marka , AMISOM ayaa degan Xerada Ayuub ee duleedka Magaalada Marka halka Al Shabaab dagaalamayaashoodana ay qeybo ka mid ah uga sugan yihiin Magaaladaasi.