Haweeney Soomaaliya oo ku sugan Dalka Mareykanka oo lagu helay maalgelinta Al Shabaab

0

Haweeneydan oo lagu magacaabo Amino Maxamuud Ciise, kana mid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa loo heystaa Kiis ama Dambi ku aadan in dhaqaalo ay ku taageertay Xarakada Al Shabaab.

Amino Maxamuud Ciise ayaa lagu eedeeyay in lacag dhan $500 oo ay Xarakada Al Shabaab u soo marisay Haweeney kale oo ku sugan Dalka Kenya, waxaana dhaqaalahaasi helay ama gacanta ku dhigay Al Shabaab.

Dacwad-oogayaasha ayaa shaaca ka qaaday in Amino Maxamuud ay qiratay dambigeeda kadib markii lagu helay in ay lacago Dalka Mareykanka uga dirtay Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoogan kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in 20 ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Minisotta in ay ku biireen Xarakada Al Shabaab tan iyo Sanadii 2007-dii.

Sidoo kale Saraakiishan ayaa tilmaamay in tobanaan kale ay ka mid noqdeen Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Mareykanka ayaa u aqoonsaday Xarakada Al Shabaab Urur argagixiso Sanadii 2008-dii iyadoona xusid mudan in Xarakada Al Shabaab Sanadii 2012-kii ay ku dhawaaqeen ka mid ahaanshahooda Urur weynaha Al Qaacida.