Hay’ada HRW oo Dowladda Mareykanka ka dalbatay in aysan gargaar ciidan siin Waddamo ay ku jirto Soomaaliya

0

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Carruurta ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW ,Jo Becker, Ayaa Dowladda Mareykanka   in aysan taageero Milatari siinin Waddamada Askareeya Carruurta ee ay ka mid tahay Soomaaliya,sida ay sheegtay Hay’adda.

30kii Juun ayey Dowladda Mareykanka soo saartay liista Waddamo 10 ah kuwaa soo Askareeya Carruurta Dowladda Mareykankana ka hela gargaar Milatari.

Waddamada uu Mareykanku shaaciyay in ay Askareeyaan Carruurta ayaa waxaa ay kjala yihiin: Myanmar, the Democratic Republic of Congo, Iraq, Nigeria, Rwanda, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, iyo  Yemen.

Xeerka mamnuucaya Askareynta Carruurta ayaa la meel mariyay 2008ddii,waxaana wali jirta in ay Waddamada qaar ka jirto Askareynta Carruurta sida Koofurta Sudan  oo ay aad ugu badan tahay.

2010kii Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 26-33 Waddan ay Askareeyaan Carruurta,taas oo marka loo eego Xilligan hoos uga dhacday 10 Dalna ku sii koobantay.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa shaaciyay in Bisha September ee Sanadkan,waxaa aay sheegtay in ay soo saari doonto Waddamada ay ka jareyso taageerada Milatari ee lagu tuhmayo Askareynta Carruurta.

Nigeria ayaa Sanadkii 2aad oo Xiriir ah ka soo muuqatay Liiska Waddamada Askareeya Carruurta,waxaan alagu eedeeyay Boko Haram,sidoo kale Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Askareynta Carruurta.

Dalka Afghanistan ayaa laga waayay Liiskan oo ku jiray Sanadkii hore,inkasta oo ay jiraan Hoggaamiyo Kooxeedyo adeegsada Carruurta,gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay Waqooyiga ee dagaalka kula jira Daalibaan.

HWR,waxaa ay madaxweynaha Mareykanka ka dalbatay in uu qaado Tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo Askareynta Carruurta,gaar ahaan Waddamada uu siiyo gar gaarka Milatari.