Hillary Clinton oo magacowday Ninka ku Xigaan u noqonaya hadii ay Madaxtinimada ku guuleysato

0

Musharaxa xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton ayaa barasaabka gobolka Virginia u Tim Kaine soo magacowday ku xigeenkeeda. Horey ayaa loo saadaalinayay in Tim Kaine uu noqon doono qofka Clinton ay xilkaasi u magacaabi doonto.

Hillary Clinton ayaa Tim Kaine ku tilmaantay nin nolashiisa u huray in uu u dagaalamo xuquuqda dadka kale.

Kaine ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in xilkaasi loo soo magacaabo.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in Tim Kaine loo arko ninka soo jiidan karo codka dadka aan wali xisbina taageerin iyo taageerayaasha qunyar socodka ah ee xisbiga Jamhuuriga.

Balse hawlwadeenada dadka ee xisbiga dimuquraadiga nin aanw ax badan soo kordhin doonin.

Clinton iyo Kaine ayaa maalinta isniinta ah ee soo socoto rasmiyan loo soo xulan doonaa in ay noqdaan musharixiinta xisbiga ee tartanka la galaya Trump iyo ku xigeenkiisa.