Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda deegaanada Koonfur Galbeed

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo xalay ciidanka Koonfur Galbeed ay dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen magaalada Beydhabo.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku wehliya howlgaladan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Caracase ayaa Idaacadda Risaala usheegay in amaanka Koonfur Galbeed ay iska kaashanayaan ciidama dowladda iyo kuwa Boliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.