Isbitaal ku yaalla Dalka Suuriya oo la duqeeyay iyo Khasaaro ka dhashay

0

Hay’adda badbaadada dhallaanka ee Save the Children waxa ay sheegeysaa in cisbitaal ay taageereysay oo ku yaalla gobolka ay mucaaradka maamulaan ee Idlib in dhowr gantaal lagu dhuftay.

Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, bukaano cisbitaalka jiifayna ay ku dhaawacmeen.

Dhaqtar hay’adda Save the Children ka tirsan oo xiriirna la leh cisbitaalka la duqeeyay, Dr Abdulkarim Ezkayez, ayaa sheegay in hareeraha cisbitaalka la duqeeyay afar jeer.

Waxa uu intaa ku daray in hal mar gantaal lagu dhuftay cisbitaalka. magaalada uu ku yaallana todobo jeer ayaa la duqeeyay.

Dhaqtarkan ka tirsan hay’adda Save The Children waxa uu sheegayaa in cisbitaalka oo ku yaalla magaalada Kafer Takhariim uu aad u burburay.

Arrintan ayaa imaaneyso ayadoo xal loo raadinayo in kabadan 300,000 oo qof oo ku go’doonsan bariga magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey ee arrimaha Suuriya u qaabilsan, Staffan de Mistura, ayaa waxa uu ka jawaabay qorshaha Ruushka ee marinka loogu furayo gargaarka galaya magaalada Xalab.

Asigoo ka hadlayay magaalada Geneva, Mr de Mistura waxa uu sheegay in marrinkaasi ay UN kormaari doono ayna sameyneyso.

Waxa ay Qaramada midoobeey dooneysaa in 48 saacadood xabadda la joojiyo si dadka go’doonsan ay magaalada uga baxaan, sidaasi waxaa sheegay Mr De mistura.

Laakiin Mareykanka ayaa shaki ka muujinaya tallaabada Ruusha uu ku ogolaaday in dadka ku jira Xalab marin loo banneeyo si ay halkaasi uga baxaan.