Kenya oo Maraykanka iyo Midowga Europe weydiisatay taageero ay kaga hor tagto Al Shabaab

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowlada Mareykanka iyo Ururka Midowga Europe  ka codsaday in taageero buuxdo ay siiyaan Ciidamada xooga dalka Somalia si ay u Wiiqaan Awooda  Al Shabaab oo khatar weyn ku haysa ammaanka Somalia.

Mr Kenyatta oo kulan gaar ah la yeeshay Linda Thomas-greenfield oo ah diblomaasiyad Maraykan ah  una qaabilsan arrimaha Africa a ayaa u sheegay in ay muhiim tahay in Maraykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada Somalia iyo kuwa Nabada ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

“Kenya waxaa ay u ololeyneysaa in dalal uu ku jiro Maraykanka uu taageero wax ku ool ah siiyo Ciidamada Ammaanka ee Somalia si ay u hantaan guud ahaan ammaanka dalka”sidaasi waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha kadib kulanka.

Dadka ka faalooda arrimaha Somalia ayaa sheegay in ciidamada Somalia ay haystaan xilligaan fursad wanaagsan oo ku koontarooli karaan Amniga dalka markuu dhamaado waqtiga howl galka AMISOM.

Al Shabaab ayaa weli weeraro xoogan ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda Somalia ,kuwa AMISOM iyo qaar ka mid ah Hotelada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa xustay in Mareykanka uu wado qorshe uu ku xoojinayo dalalka uu ka taageero dhinaca Ciidamada oo ay ku jirto Somalia,waxayna hoosta ka xariiqday in Maraykanka uu doonaya labaabi’iyo awooda Al Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.