Kineecada Cudurka Zika sida oo gaartay Dalka Mareykanka

0

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqaya dumarka uurka leh inay joojiyaan safarada aan muhiimka ahayn ee ay ku tagayaan gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Arrintaasi waxay ka dhalatay kadib markii afar qof oo cudurka Zika uu ku dhacay la ogaaday in kineecada gudaha ee Florida ay qaniintay.

Dhammaan kiisaskii hore ee Mareykanka lagu arkay waxaa lala xiriirinayay dad dibadda ka galay dalkaasi.

Saraakiisha caafimaadka waxa ay sheegayaan in tani ay waqti yar un ay qaadaneyso.

Balse, waxaa muuqatada in kineecada sida caabuqa Zika ay ku sugan tahay dhulweynaha Mareykanka.

Afarta qof ee xanuunka lagu arkay waxay ku sugan yihiin Miami oo kineecada ay ku qaniintay.

Ma jirto kineeco laga helay caabuqa, laakiin hababka kale ee cudurka lagu qaadi karo oo ay kamid tahay in dal kale ay kineeco ku qaniintay ama in qof Zika qaba uu u galmooday dadkan ayaa meesha laga saaray.

Walaaca ugu weyn waa dumarka uurka leh. Zika waxaa lagu yaqaanaa dhibaato ay ilmaha ku dhashaan oo loogu yeero microcephaly.

Caruurta yar ee caabuqa ku dhasha waxaa ay leeyihiin madax yar.