Kooxda Puntland oo usoo gudubtay Finalka Tartanka maamul goboleedyada Dalka

0

Kooxaha Puntland iyo Hiiraan ,Shabeelaha Dhexe oo galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium kuwada ciyaaray ayaa waxaa dhexmartay kulan xiiso badan.

Kulanka galabta udhaxeeyay labadan koox ayaa waxa ay koox walba dooneysay in ay guul gaarto dhankeeda.

Ciyaarta oo aheyd mid la isku daalay ayaa gaba gabadii waxa ay ku soo idlaatay 1-0 , waxaana guusha ay raacday Puntland oo finalka u soo gudubtay .

Kooxda Puntland iyo Taageerayaasheeda ayaa galabta waxa ay ku dabaal degeen Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium, iyadoo ugudubtay kama dambeysta tartankan.