MA GARANEYSAA SAGAALKA XAQ EE UU KUGU LEEYAHAY DALKAAGA HOOYO ?

0

Inta aanan qormadeyda bilaabin, aan marka hore u hanbalyeeyo Shacabweynaha Soomaaliyeed oo ku jira dabaaldegga maalmaha xoriyadda (26 Jun iyo 1 Luulyo), Kuwaasi oo ahaa maalmihii carigeena laga taagay calan Soomaaliyeed, Islamarkaana la mideeyey labadii qeybood ee uu gumeysigu ka baxay. Maalmahani, ayaa mar kale ku soo beegmay xilli adag oo uu dalkeennu ku jiro. Waxaana Alaah ka baryayaa in sanadka danbe ay maalmahani ku soo beegmaan Inagoo mideysan, Islamarkaanna ku naalooneyna nabad iyo barwaaqo. Aaamin aamiin.

Sida balanqaadayba, Waxaan qormadan kaga hadli doonnaa haddii uu Rabbi idmo faahfaahin aan ku sameyn doono sagaalka xaq ee uu kugu leeyahay dalkaaga hooyo, Kuwaasi oo aan mid mid u faahfaahin doono. Sagaalkan xaq, ayaa ah kuwa lagama maarmaan laakiin waxaa jiri kara kuwa kale oo fara badan. Inta aan ku jiro sharxaadda sagaalkaasi qodob, waxaan iskudayi doonaa inaan soo daliishado adillo faro badan oo tilmaameysa xuquuqdaasi sagaalka ah.

Walaalayaal, Marka aan ka hadleyno dal, waxaa soo hoos gali doono sedex shay oo uu dal ka koobmo, Kuwaasi oo kala ah: Dad, Dhul iyo System (dowladnimo). Marka aanu ka hadleyno dadna, Waxaa sidoo kale soo hoos gali doonno diintii, dhaqankii iyo waliba luuqaddii. Sidoo kale, marka aan ka hadleyno dhul, Iyana waxaa soo hoos gali doonno berrigii, baddii iyo waliba hawadii.

Marka aannu ka hadleyno System-na (dowladnimo) waxaa iyadana sidoo kale soo hoos geli doono dhamaan qeybaha ay dowladi ka kooban tahay sida lahayd qeybta fulinta, qeybta sharci-dajinta iyo waliba qeybta garsoorka. Waxaa sidoo kale systemka soo hoos geli doono heerarka uu maamulku ka koobmo sida heer degmo, heer gobol iyo waliba heer caasimad. Hadabo, Sagaalkan xaq ee aan ka warami doono, Waxa ay ku dulwareegi doonaan sedexdaasi qeybood ee uu dalkaagu ka kooban yahay sida dadka, dhulka iyo waliba dowladnimada. Aan bilaabo qodobadii sagaalka ahaa.

1-INAAD DAACAD U AHAATO DALKAAGA:

Waa lagama maarmaan runtii, Bal waa waajib inaad dalkaaga daacad u ahaato, waa haddii aad tahay muwaadin wanaagsan. Daacadnimada aan ka warameyno ayaa galayso meelo badan sida diinta, dadka, dhaqanka, luuqadda, dhulka iyo waliba dowladnimada. Tusaaale ahaan, haddii aad tahay qof hayo xil qaran. Ha noqdo xilkaasi mid yar ama mid weyn, Waxaa waajib kugu ah mar walbo inaad daacad u tahay dalkaaga hooyo.
Waxaa ereygan (daacadnimada) ka soo horjeeda ereyga ah khiyaano, Kaasi oo isagana la doonayo inaad mar walbo ka fogaato. Bal ka waran marka aad iskudarsato daacadxumo iyo khiyaamo qaran, Sow markaasi la mid noqon meysid siyaasiga Soomaaliga ah ee maanta nool ? Bal ka waran, haddii aad daacad u noqoto dal shisheeye, halka aad dhinaca kalena dabindaabineyso dalkii aad asal ahaan ka soo jeedday ? Yaase kuu muhiimsan dalkii aad asal ahaan ka soo jeedday iyo dalka aad maanta dhalashadiisa haysato ?
2-INAAD CADOWGA KA DIFAACDO:

Walaalayaal, Xaq uu kugu leeyahay dalkaaga hooyo waxaa ka mid ah inaad cadowga ka difaacdo. Ha noqdo cadowgaasi mid ka yimaada gudaha dalka sida kuwo Soomaali ah oo cadowga u shaqeeya, ama ha noqdo mid ka yimaada dibadda dalka sida cadowgii (Itoobiya iyo Kenya) soo jireenka ahaa oo kale . Waa waajib runtii saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu dalkiisa ka difaacdo cadow kasta oo soo weerara. Waxaa kaloo muwaadinka laga rabaa in uu ka fogaado la shaqeynta cadowga, gaar ahaa kan soo jireenka ah maadaama uu Isagu ka khatar badan yahay kuwa kale.
Waxaa waayadan soo baxay dad Soomaali ah oo ku faanayo la shaqeynta cadowgii soo jireenka ahaa. Tusaale ahaan, waxaad arkeysaa kuwa sheegta siyaasiyiin oo ku faanayo waxaa Iwadata dowladda Itoobiya. Waxaad kaloo arkeysaa kuwa kale oo Iyagana meelaha la taagan waxaa na soo dhistay Kenya. Qirashooyinka caynkan ee ay sameynayaan shaqsiyaadkaasi ayaa ka dhigan in ay afkooda isku maxkamadeynayaan. Of course, Waa la maxkamadeyn doonaa qof kasta oo Soomaali oo maalin la shaqeeyey cadowga (Itoobiya iyo Kenya).
3-INAAD IXTIRAAMTO SHURUUCDIISA:

Maadaama aad tahay muwaadin, Hadaba waxaa waajib kugu ah inaad ixtiraamto shuruucda iyo qawaaniinta dalkaaga, gaar ahaan tan aan ka horimaaneynin shareecada Islaamka iyo dhaqan suuban ee dadka Soomaalida. Tusaale ahaan, haddii aad tahay qof hayo xil qaran, hadaba waxaa ku saaran waajib ka duwan kan saaran muwaadiniinta kale ee caadiga ah, Maxaa yeelay Adigu waxaad haysaa masuuliyad, Waana sababtaasi sababta mar walba lagaaga baahan yahay inaad noqoto qofka ugu horeeya oo ixtiraama shuruucda dalka.
Nasiibdarose, Waxaa waayadan soo baxay shaqsiyaad hayo xilal sare sare, Kuwaasi oo hadana safka hore uga jira dadka ku tunta shuruucda iyo qawaaniinta dalka. Shaqsiyaadkani, ayaa waxaa ka mid ah ninka hogaamiya Dowladda Federaalka ee uu waqtigeedu sii dhamaanayo, Kaasi oo ku caanbaxay kutumashada shuruucda dalka, Isagoona dhinaca kale noqday madaxweynihii ugu xumaa ee abid soomara dalkeen Soomaaliya, balse waxaan u sheegayaa khaa’inu-wadankaasi in laga jaa’iseyn doono dhamaan xagdubyadii uu dalka ka galay.
4- INAAD ILAALISO HANTIDIISA:

Qodonkani, Ayaa ah mid aad u muhiimsan waayo ilaalinta hantida dalka, Waxa ay lafdhabar u tahay jiritaanka dowladnimada. Marka aad u fiirasato asbaabihii keenay burburka dalkeenna, Waxaad arkeysaa in qodobkani uu kaalin weyn ku lahaa burburkaasi. Tusaale ahaan, waxaa dhacday in si sharcidarro ah loogu tagrifalay hantidii dadka ka dhaxeysay. Waxaa kaloo dhacday in qof walba oo xafiis loo dhiibo uu u qaatay in Isagu uu leeyahay xafiiskaasi iyo waxa dhexyaalaba.
Ilaalinta hantida dalka oo noqon karta wax kasta oo uu dalku leeyahay sida sirtiisa, dhaqaalihiisa, dhirtiisa, baddiisa, gaadiidkiisa iyo waliba wax walba oo looga shaqeeyo xafiis dowladeed, Ayaa ilaalinta arimahaasi waxa ay adkeyneysaa jiritaanka dowladnimada iyo guud ahaan xiriirka ka dhaxeeya bulshada. Waa maxay horumarka ay sameyn karto bulsho tuugga ah, Islamarkaanna kala xadeysa hantidii dadka ka dhaxeysay ? Sideese dal u jirayaa marka la ilaalin waayo wixii dadka ka dhaxeeyey ?
Muwadinka wanaagsani waa midka ilaaliya hantida guud ee dalkiisa, Islamarkaana ixtiraama diintiisa, dhaqankiisa iyo waliba luuqaddiisa, Halka uu dhinaca kalena ka hortaga wax walba oo wax u dhimayo muqadasaadka dalkiisa sida diinta oo kale. Waxaa kaloo muwaadinka wanaagsani uu caan ku yahay dhowridda midnimada iyo wadajirka dalkiisa. Bal ka waran haddii aad noqoto mid jara dhirta waxgalka ah ? Ama aad noqoto mid Ajaanibta u fududeeya boobka ay la damacsan tahay dhulkaaga hooyo ?
5- INAAD KA SHAQEYSO DANIHIISA:

Walaalayaal, Xuquuqda uu kugu leeyahay dalkaaga hooyo waxaa ka mid ah inaad ka shaqeyso danihiisa. Danahaasi ayaa noqon kara kuwa dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo waliba kuwa bulsho. Muwaadinka wanaagsani waa midka ka shaqeeya danaha dalkiisa, Isagoo aan cidina ka dooneyn amaan iyo bogaadin. Sidoo kale, Muwaadinka wanaagsani waa midka danaha guud ee dalkiisa ka hormariya danaha gaarka iyo waliba kuwa shisheeyaha.
Marka aad xil qaran hayso, ama aad dowladdaada ku mataleyso fagaarayaal caalami ah, Waxaa waajib kugu ah inaad mar walba hormariso danaha dalkaaga, Adiga oo aan cidina ka baqeynin. Bal ka waran, marka aad danaha dalkaaga ka hormarineyso dano dal shisheeye, Adigoo waliba ku andacoonayo inaad shaqo fiican soo qabatay. Sowse wax lala yaabo ma’ahan kuwa mar walba danaha dalka hooyo ka hormariya danaha shisheeyaha sida kuwii Kenya u saxiixay baddeenii oo kale ? Goormaase kuwaasi la maxkamadeyn doonaa ?
6-INAAD ILAALISO SIRTIISA:

Waxyaabaha kale ee uu kugu leeyahay dalkaaga hooyo waxaa ka mid ah inaad ilaaliso sirtiisa, haddii ay noqon lahayd sirtaasi mid guud iyo haddii ay noqon lahayd mid gaar ah. Muwaadinka wanaagsani, waa midka ilaaliya sirta dalkiisa, gaar ahaan midda khuseysa hanaanka ay dadkiisu u nool yihiin iyo waxa ay ku fikirayaanba. Sidoo kale, Muwaadinka wanaagsani waa midka aan shisheeyaha u gudbinin macluumaadka muhiimka ah ee lafdhabarka u ah jiritaanka dalkiisa sida xarumaha dowladda, xerooyinka ciidamada, wadooyinka waa weyn iyo waliba meelaha kale ee dalka laga soo geli karo.
Balse, Waxaa waayadan soo baxay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku faanayo in ay u shaqeeyaan sirdoonno dowlado shisheeye, Taasi oo runtii ka dhigan khiyaamo-qaran oo ay afkoodu ku qiranayaan. Waxaad arkeysaa kuwo fagaaro la taagan, Iyagoo oronayo waxaan u shaqeynaa sirdoonada dalalka Itoobiya iyo Kenya oo hadana ku oronayo waxa aan ka shaqeyneynaa sidii loo soo celin lahaa dowladnimadii burburtay. Sideese ku dhici kartaa inaad Itoobiyana u shaqeyso Soomaalina aad wax u tarto ? Ma Anaga waalan mise Cadan baa laga heesayaa !!

7-INAADAN CADOWGIISA LA SHAQEYN:

Qodobkani waa qodob muhiim ah, maxaa yeelay waxa uu kala saarayaa muwaadinka wanaagsan iyo midka xun. Sidee ku dhici kartaa in muwaadin uu u shaqeeyo cadowga dalkiisa, Isagoo waliba siinayo macluumaad berri dhib u keeni kara dalkiisa hooyo sidii ka dhacday Soomaaliya oo kale, halkaasi oo kuwa Soomaali ah ay cadowga ka soo qaateen hub ay ku burburiyaan dalkooda ? Ma garaneysaa sababta ay Itoobiya hubka iyo rasaasa bilaashka ah u siiso kooxaha Soomaalida ee u taga ?
Waxaan leennahay, Ma tihid muwaadin wanaagsan, Bal waxaad tahay danbiille marka aad la shaqeyneyso cadowga dalkaaga, Islamarkaanna aad fulineyso qorshaha uu ka leeyahay dalkaaga hooyo. Xaqiiqdii kuwa maanta ku howlan fulinta waxan loogu yeero federaalka, 4.5-ka iyo waliba dagaaladan aan dhamaadka lahayn, waxa ay dhamaantood u khidmeynayaan danaha Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin dalkeenna Soomaaliya.
8-INAADAN KA QEYBQAADAN SHIRQOOLLO KA DHAN AH DALKAAGA:

Xaqa sideedaad ee uu kugu leeyahay dalkaaga hooyo waxaa ka mid ah inaadan ka qeybqaadan shirqoollo ka dhan ah danaha dalkaaga iyo waliba muwaadiniintisa. Muwaadinka wanaagsani waa midka ka fogaado shirqoolada loo maleegayo dalkiisa xittaa haddii loo balanqaadayo xilal iyo xoolo badan ? Sidee uga qeybqaadan kartaa shirqoollo ka dhan ah dalkaaga hooyo oo ah halkii aad ku dhalatay, Islamarkaana aad ku soo barbaartay ? Mase jiraa wax kaaga muhiimsan Wadankaaga hooyo ?
Walaalayaal, Waayadan waxaa soo baxay shaqsiyaad Soomaali ah oo ku howlan ka qeybqaadashada shirqoollo ka dhanka ah diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Kuwaasi oo maalin walba fududeynayo makriyo loo maleegayo Umadda Soomaalida iyo kiyaankooda. Shirqooladani, ayaa waxaa ka mid ah hay’ado caalami ah, Kuwaasi oo duulaan ku ah dhaqanka suuban ee dadka Soomaalida, Iyagoo doonayo in ay dhaqankaasi suuban ku badalaan dhaqamo laga keenay dalal kale sida kii ay dhowr casho ka hor ka hortageen ay Culimada Soomaaliyeed oo kale.
Shirqoolkani, ayaa noqonayo kii ugu khatar badnaa ee abid soo mara Umadda Soomaalida, Maxaa yeelay waxa uu horseedi rabay fasaad aad u weyn, Kaasi oo baabi’in lahaa qiyamka wanaagsane ee Umadda Soomaalida, waana sababtaasi sababta ay Culimadu uga hortageen. Ma jiraa fasaad ka weyn marka la fududeynayo Zinada iyo asbaaha keena, Maxaase lagu tilmaami karaa shaqsiyaadka waxaasi ansixiyey ? Dhacadadani fooshaxun, ayaa marqaati u ah waxa ay u taagan tahay dowladdan fadhiidka ee Xalane looga taliyo.
9-INAADAN DALKA KEENIN ASHYAA WAX DHIBEYSA:

Qodobkan, ayaa ah mid muhiim, maxaa yeelay waxaa uu si toos ah ula hadlayaa sedex kooxood oo kala ah: Ganacsato, Aqoonyahan iyo waliba Siyaasi, Kuwaasi oo had iyo jeer daka soo geliya waxyaabo ay ka soo waaridaan dalal kale. Tusaale ahaan, Ganacastada oo kale, waxa ay dalka soo geliyaan ashyaa badan oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo sida kuwa la cuno, kuwo la xirto iyo waliba kuwo la isku qurxiyo. Hadabo, waxaa waajib ku ah ganacsatada inayan dalka soo gelin ashyaa wax u dhimeysa caafimaadka guud ee dadka, xoolaha iyo waliba bay’ada.
Dhanka Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta, Iyagana waxaa waajib ku ah inayan dalka u soo waaridin waxyaabo ka horimaanayo shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaalida ah, maxaa yeelay waxa ay ashyaadaasi khatar gelinayaan habka ay u Bulshadu u nooshahay iyo waliba waxa ay aaminsan tahay, Waana sababtaasi sababta ay mar walbo isaga horyimaadaan Culimada iyo labadan kooxood ee ay diintu ku yar tahay, inkastoo ay dhawaan soo biirtay koox (qurba-joog) kale.
Sagaalkaasi xaq ee aanu soo faahfaahinay iyo kuwa kale oo lagu darayba, Waxaa dhamaatood kugu leh dalkaaga hooyo oo ah kii aad ku dhalatay, ku barbaartay ama aad asal ahaan ka soo jeeday. Sidaa daraadeed muwaadinka wanaagsani waxaa looga fadhiyaa in uu noqdo mid ilaaliya sagaalkaasi xaq ee kor ku soo sharaxnay. Sidee aadan u ilaalineynin nimacadan (dhul aad u wanaagsan xagga cimilada, Islamarkaanna ku yaallo goob istaraatiiji ah oo leh badda aad aragteen) uu Alle ku siiiyey ? Mise dareensan tihiin nimcadaasi ?
Ugu danbeyntii, Waxa uu idiin balanqaadayaa walaalkiin RAGOW inaanu marna ka daalin qorista qormooyin dheerigelinayo abuurista jawi cusub oo dal jaceyl ah, Kaasi oo u khidmeyn doonoto Insha Alaah aragtida qiimaha badan ee SOOMAALIWEYN. Walaalkiin, ayaa ah nin aaminsan aragti QOWMI ah (mideynta shanti Soomaaliyeed) Waxa uuna sidoo kale diyaar u yahay in uu ka dhiidiyo damaca liita ee ay la wareegayaan dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ah cadowga dhabta ah ee aannu leenahay.
Saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan noqotay mid ay ku loolamayaan labo kooxood oo kala ah Islaamiyiin iyo Cilmaaniyiin, inkasta oo aan rajeynayo mar aan dheereyn in ay kooxdeydana (qowmiyiin) ku soo biiri doonto saaxada siyaasadeed, si ay u sii anbaqaaddo fikradeeda SOOMAALIWEYN. Kooxda Islaamiyiinta Soomaalida ayaa cad aragtidooda marka la barbardhigo kooxda (Villa Soomaaliya) kale oo ilaa maanta lagu wareersan yahay waxa ay u taagan yihiin iyo cidda ay matalaanba.
Gabagabadii iyo gunaaanudkii, Waxaa u soo jeedinayaa bulsha weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa jacel dalkooda hooyo in ay u istaagaan abuurista jawi cusub oo ku dhisan dal jaceyl, Islamarkaana ay dhaqangeliyaan sagaalkaasi qodob ee aan kor ku soo sharaxay. Waxaan kaloo u soo jeedinayaa in ay daacad u noqdaan dalkooda hooyo, Islamarkaana ay cadowga ka difaacaan (Itoobiya iyo Kenya)
W/Q: Maxamed Ibraahim (RAGOW)
ragow1960@hotmail.com