Maamulka Ahlu Sunna oo Ganacsato ku Xirtay Magaalada Dhuusamareeb

0

Ciidamada Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa Galabta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ku xiray Lix Ruux oo ay ka mid yihiin Ganacsato Magaaladaas Caan ka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Dadkaan lagu Xiray Magaalada Dhuusamareen laga watay Guryahooda iyo Goobaha Ganacasi ee halkaas ay ku leeyihiin Ganacsatada la xiray.

lama Oga Sababta ay u xireen Ciidamada Ahlusunna Dadka Galabta lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb oo hadda Xarun u ah Ahlusunna.