Maamulka Cusub ee Waqooyiga Gaalkacyo oo sheegay in ay xoojinayaan ammaanka Magaaladaasi Gaalkacyo

0

Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan falalka amni xumi ee ka dhaca gudaha Magaaladaasi Gaalkacyo.

Maxamuud Yaasiin Duqa Cusub ee Gaalkacyo ayaa ku nuux nuuxsaday in ay ka shaqeynayaan ka maamul ahaan is dhex galka Bulshada ku kala nool Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo uu meesha ka saaray in ay jiraan falal ammaanka liddi ku ah oo sidaas u buuran ee ka jira gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ku kulmay Xubno kala matalayay maamullada Puntland iyo Galmudug ee ka kala arrimiya Waqooyiga iyo Koofurta Magaaladaasi Gaalkacyo.

Kulankaas oo ay xooga ku saarayeen ammaanka Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacayay indhawaanahaan dhibaatooyin Amni taas oo sababtay in maamulka Puntland uu isbedel deg deg ah ku sameeyo Masuuliyiinta maamulkii Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.