Maamulka Jubbaland oo sheegay inay dejisay qorshe Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Gedo

0

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahan ku sugan Gobolka Gedo, ayaa sheegay ujeedka halkaasi ay u tageen inay tahay sidii loo Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay inay dejiyeen qorshe ku aadan sidii loo wajihi lahaa Shabaabka ku sugan deeganada Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in hadda ay ku guuleysteen in la dejiyey qorshe ballaaran oo amniga lagu sugaayo, islamarkaana maalmaha soo aadan Al-Shabaab laga saari doono deegaannada Gedo ay ka joogaan.

“Waxaan ku guuleysanay dejinta qorshe duulaan dagaal ah oo aan ku aadeyno deeganada Shabaabka ay joogaan si dhamaan halkaasi looga saaro oo gacanta Jubbaland ay u soo gasho.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray ujeedka Gobolka Gedo ay u joogaan sidoo kale inay tahay dib u habeynta dhanka Maamulka iyo fulinta Mashaariic horumarineed oo Gobolka laga fulinaayo.

Maxamuud Sayid Aadan, ayaa soo hadal qaaday Mashaariicda ay fulin doonaan inay qayb ka yihiin ceelal biyood iyo sidoo kale mashaariic kale oo deegaanka faa’iido u leh.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhawaan ka soo amba baxay magaalada Kismaayo iyaga oo jooga gobolka Gedo, waxaana ay qabsadeen muddo 45 cisho ah oo dib u habeyn loogu sameynayo guud ahaan gobolkaasi.