Madaxweynaha oo shaqada kajoojiyay ilaalada Madaxtooyada

0

Dalka turkiga waxaa ka socda baaritaano xoogleh oo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyey Afgambigii dhicisoobay waxaana ilaa hada xabsiga la dhigay dad gaaraya lix kun oo qof.

Madaxwaynaha dawlada Turkiga ayaa tvga dawlada ka shaaciyey inuu shaqada ka fariisinayo ciidamada ilaalada madaxtooyada kadib baaritaan la sameyey oo lagu ogaaday qaar kamid ah ciidamada inay la shaqaynayeen kuwii afgamigii dhicisoobay maleegayeyey.

Madaxwaynaha Turkiga Ragab Dayid Ordogan, ayaa sidoo kale sheegay 300 oo Askari oo kamid ah ciidamadii looga shakiyey afgambiga in lasoo daayey kadib baaritaano lagu sameyey oo lagu ogaaday inay banaanka yihiin wixii dhacay.

Tan iyo markii dalka Turkigka uu ka dhacay Cinqilaabkii dhicisoobay ayaa madaxwaynaha talada hayaa iyo xukuumadiisu waxay wadaan dadaalo ay ku doonayan inay soo qabtaan cidii ka danbaysa afgambigii dhicisoobay.

Dawlada Turkiga ayaa Maraykanka ka codsanaysa inay gacanta u soo galiso nin Shiikh ah oo ay sheegtay inuu ka danbeeyey Afgambigii dhicisoobay waxaana dawlada maraynkanku ay sheegtay inay Turkiga laga doonayo cadaymo ku aadan ku lug lahaanshihisa Afgambigaasi.