Madaxweynaha Turkiga oo waqtiga xirnaanshaha u sii kordhiyay dadka Afgambigii fashilmay u xiran

0

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa waqtiga ay sii xirnaanayaan u sii kordhiyay dadka loo haysto inay ku lug lahaayeen Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Erdogan, ayaa sheegay in muddo 30 cisho ah ay sii xirnaan doonaan dadkaasi oo aanan la geyn doonin cadaalada si loo dhameystiro baaritaanada socda.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu amray in la xiro in ka badan 1,000 xarumo Iskuul ah oo gaar loo leeyahay iyo in ka badan 1,200 xarumo Hay’adood.

Waxaa socda Baaritaanka rasmiga ah ee la xiriira Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga, Dowladana waxa ay qaadeysa tallaabooyin adag oo la xiriira dhacdadaasi.

Dalka Turkiga ayaa waxa uu ku jiraa xaalad deg deg ah oo Madaxweynaha dalkaasi uu ku soo rogay, iyadoo Baarlamaankana ay ansixiyeen arintaasi.

Turkiga ayaa horay xabsiga u dhigay ciidamo gaaraya 10,000 oo Askari, kuwaasi oo Saraakiil iyo Askarba isugu jirta, laguna eedeeyay kuwii qorsheeyay Afgambiga.