MAQAAL:Dawladnimada Soomaaliya iyo Hoggaamiye Dhaqameedyada:

0

Gumaysigii talyaannigu kolkuu dalka qabsaday, wuxuu qabaa’ilkii uu la kulmay miyi iyo magaalaba u sameeyey odayaal uu kala xiriiro qabaa’ilka una fuliya danihiisa una qoray mushaarooyin kala duwan, (Ugaas, Kaabbo Qabiil iyo ku xigeenno) bil kasta.

Odayaashaasi waxay ka dhignaayeen gole sharci dejin oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha degmadu, waxayna xeerin jireen arrimaha degaannada hoos yimaada, waxaana la shaqayn jiray ciidammo u gaar ahaa oo ay la kaashadaan hawlahooda, si loo helo xoog wax muquuniya.

Awoodda iyo wax qabadka maamullada gobollada iyo degmooyinku waxay ka muuqan jireen hadba hawsha ay cuqaasha iyo askartoodu fuliyaan. Waxay shaqada gumaysigu ku socotay kuna tiirsanayd hoggaamiye dhaqameed ilaa 1956; waqtigaas oo laga wareejiyey qaybtii sharci dejinta lana abuuray Hay’ado Qaran oo sharci dejineed sida baarlamaan iyo dawlado hoose.
Kolkuu talyaannigu Soomaaliya ku soo noqday 1950, isagoo wakiil uga ah Qarammada Midoobay, si uu dawladnimo u gaarsiiyo soomaalida muddo 10 sano ah. Wuxuu bilaabay 1954 inuu abuuro gole sharci dejineed oo heer Qaran ahaa wuxuuna sameeyey Gole 60 xubnood ah oo ay soo xuleen hoggaamiye dhaqameedyadii la shaqayn jiray, inta badanna cuqaashii naftooda ayay ahaayeen iyo jaaliyadihii ajnabiga ahaa sida Talyaanniga, Hindida, iyo Carabta.

1955kii, maamulkii talyaannigu wuxuu diyaariyey doorasho guud oo dalka ka dhacda1956 kii, wuxuuna abaabulay shirar qabiil oo dalkoo dhan ah, isagoo badiyey tiradii duqeyda, wuxuuna beddelay kuwii dhintay iyo kuwii dheeraaday isagoo mid kasta wiilkiisii ku beddelay dhaxal ahaan. Shirarkaasi oo uu agaasimayey Dr Aldo Bernerdelli, Agaasimihii Guud Arrimaha Gudaha. Waxaa la jideeyey in dadka codkooda la saaro caaqilka vote xambaar oo uu isagu bixiyo codadka reer guuraaga qofkuu doono, ama xisbuu doortana siiyo. Waxaa la buunbuuniyey tirada qabaa’ilka waxaa la sameeyey xafiis tirakoob oo magacyo been abuur ah qori jiray si qabaa’ilku tiro dheeraad ah uga helaan xubnaha baarlamaanka cusub.

Kolkii doorashadii 1956 kii la qabtay waxaa soo baxay xildhibaanno ka tarjumaya qoladooda iyo caaqilkii keenay ee aan lahayn halgan iyo dareen qarannimo in yar mooyee. Waxaa ka darrayd doorashooyinkii 1959 kii oo isla odayaashii iyo xulkoodii geedaha hoostooda la fariisteen oo warqadihii cod bixinta gacmahooda ku xarriqdeen. Taasi waxay ahayd siyaasaddii waqtiga dheer gumaysigu soomaaliya ka rabay.

Muddadii 4 sano ahayd ee Ismaamulka Guduhu jiray, ayaa waxaa abuurmay fikradihii qalqalloocnaa ee dhaliyey dareenka is-aamminsanaan la’aanta iyo iska soo horjeedka qabaa’ilka iyadoo hab qabiil lagu diidayo ama lagu dacaayadaynayo madaxdii qaranka iyo geesiyaashii soo halgamay iyo, in wax kasta oo dawli ah ceyriinka lagu qaybsado sida darajooyinka, degaannada, daaqsinka iyo xuquuq kasta oo dastuuri laga dhigi karay ee loo sinnaan lahaa. Waxaa furmay axsaab ku hadla magacyada qabaa’ilka ilaa suntii la gaarsiitey ciidammadii qalabka siday ee gumaysigu gacanta ku hayey oo siyaasadda ka xirraa. Nasiibdarro, xaaladda oo heerkaasi maraysa ayaa calankii la qaatay la lana midoobay gobolkii waqooyi oo ingiriisku haystay oo aan isaga fur loo goyn ee isku daboolan.

1960 kii kolkii la xoroobay waxaa la dhisay dawlad ku-meel-gaar ah, waxaana la diyaariyey Dastuur Qaran, oo afti loo qaaday 1961. Haddaba, maxaa dhacay? Waxaa goobihii cod bixinta ee miyiga iyo tuulooyinka loo diray aag kasta qolada degta duqeedii, dhallinyaro wax diiwaan gelisa, dhawr askari oo Alifle ama Laba Alifle uu wato. Doorashadaasi waxaa la sameeyey musuqmaasuqii ugu weynaa, oo hal hays reebay: Wanleweyn iyo Aden Yabaal.

Waxaa la yiri waxaa codeeyey tiro dad ah oo aad uga badan intii la filayey oo codad yar mooyee oggol ah. Sidaasi buu dastuurkii 1961 ku hirgalay.

1964kii doorashadii dhacday kaalinta asxaabta siyaasadda ayaa ka weynayd odayaasha. Doorashadaasi waxay u ekayd mid lagu tartamay xubno baarlamaan oo muhiim ahina soo galeen baarlamaanka, inkastoo ay dib SYL isugu shubeen si ay qaybta cadkooda u qaataan. Waxaa jiray 1964 ilaa 1969 dagaallo qabiil oo waaweyn oo ka dhacay Mudug, Hargeysa, Galguduud, Hiiraan oo laga yaabo inay raad ku lahaayeen doorashadii Baarlamaanka inkastoo awoodda cuqaashu ku yarayd. Waxayse ragannimadooda muujiyeen tii ka danbaysay ee 1969 kii.

Waxaa la soo gaaray doorashadii 1969- vote khasaaro. Taasi magaceeda ayaad ka garanaysaa! Xoog baa laysku muquunshay waa tii u sabab noqotay dilkii loo geystay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dr Cabdirashiid Cali Sharma’arke, isbeddelkay awoodda ciidammadu kula wareegeen iyo wax badan oo kale.

Kacaankii 21kii Oktoobar wuxuu soo saaray sharci L. 64, wuxuuna ku baabi’iyey sharcigii ay duqeydu ku dhisnayd, magacyadii iyo darajooyinkii isimada sida Boqor, Ugaas, Suldaan, Malaaq iwm. Wuxuuna ka dhigay shaqaale dawladaha hoose iyo inay shaqada caadiga ah ee dawladda qabtaan sida canshuur uruurinta. Cuqaashu way aammuseen ilaa dagaalkii lagu soo jabay oo loo baahday, kolkaasoo ay heleen awood ay kacaanka kula diriraan. Xoogaggii kacaanka riday meel kama ayan helin. Sidoo kale, in kasta oo ay qaar ku lug lahaayeen, meel weyn kama gelin shirarkii iyo dhismeyaashii Jabuuti 1, Jabuuti 2 iyo Jabuuti 3, Imbagaati iyo shirarkii kale ee dowlad dhisidda.

Sannadkii 2012 kolkii dawladdii ku meel gaarka ahayd waqtigeedii dhammaaday oo loo baahday in la soo xulo baarlamaan cusub, ayey dood soo kiciyeen waxayna xilalkoodii caadiga ahaa ee ay Talyaanni iyo UNO la qaban jireen (1954-56) meeshoodii ka bilaabeen, waxayna sameeyeen baarlamaankan jira, oo doortay Madaxweyynaha, ansixiyayna Ra’iisal Wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Sidoo kale isla isimadii loo yaqaanay odayaashii Turkey la geeyey ee doorashadii hore sameeyey ayaa tanna u diyaar ah inay xul baarlamaan oo cusub sameeyaan. Waxay kaga duwan yihiin keli ah 51 qof oo dhawr qof kala doorata cod hal dheer ah. Ayaa beelaha ka soo xulaya 51 qof? Odayaasha.

Haddaba, ha la ogaado 1954-2020, aasaaska iyo aragtida dhisme Qaran Soomaaliyeed waxay ka soo fulaysay isku il waddadii bayna ku socotaa ay ku wadeen isimada iyo cidda ay ka tusaale iyo aragti qaataan.

Cabdullaahi Xaashi Warsame (Waranle) waa aqoonyahan iyo abwaan Soomaaliyeed oo xilal illaa iyo guddoomiye heer gobol ah ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya. Haatan waa xildhibaan ka tirsan golaha sharci dejinta ee Galmudug.

Cabdullaahi Xaashi Warsame (Waranle)