Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha Weeraro ay fuliyeen Diyaaradaha Drones-ka

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Weerarada ay fuliyeen Diyaaradaha Drones lagu Dilay ugu yaraan 116 Ruux oo Shacab ahaa tan iyo Sanadii 2009-kii markii Madaxweyne Barak Obama uu la wareegay talada Dalkaasi.

Weeraradaasi oo xagga cirka ahaa ayaa Diyaaradaha Drones-ka waxey siyaabo kala duwan uga fuliyeen Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistaan, waxaana Weeraradaasi ay dhaceen inta u dhaxeysa sanadaha 2009-kii ilaa iyo 2015-kii.

Sidoo kale Weeraradaasi oo gaarayay 473 ayaa waxaa lagu Dilay Dagaal yahano lagu qiyaasay 2,372 ilaa iyo 2,581

Mareykanka weeraro dhowr ah oo lagu Dilay Saraakiil iyo Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxaa Diyaaradihiisu ay ka fuliyeen Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhiyay Weerarada xaga cirka ah oo ay ku beegsanayaan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab.