Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gaaray gobolka Hiiraan

0

Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaanXaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo.

Diyaar garowga xaflada caleema saarka ayaa si weyn uga socota magaalada Beledweyn, iyadoo magaalada ay ku qul qulayaan wafuud isugu jirta siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, Guddoomiyeyaal hore iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la magacaabay Guddi ka shaqeynaya xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa bedelaya walaalkiis Ugaas C/raxmaan oo horaantii Bishii Janaayo ee sanadkan ku geeriyooday magaalada Beledweyne.