Maxaa hada ka Socda Gaalkacyo ?

0

Waxaa maanta ku eg qabashada araajida soo codsadayaasha Agaasimo waaxeedyada Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, waxaaa araajidooda keenay dhalinyaro fara badan.

Gudiga ku mashquulsan xulista Agaasimayaal tayo leh ayaa sheegay in shaqada si wanaagsan ay u wadaan berina imtixaanka ay qaadi doonaan.

Bulshadsa gaalkacyo ayaa siwayn u hadal haysa kala diristii Agaasimo waaxeedyadii dawladda Hoose ee Gaalkacyo kuwaas oo mudo dheer soo shaqaynayay laguna eedeeyay qaybtood musuqmaasuq baahsan oo Maayeradii degmada soo maray wax ka qaban waayeen.