Maxaa iska bedelay Mowqifka Hay’adda Culimada Somaaliyeed ee Siyaasada Jinsiga ?

0

Isagoo maalmo ka hor la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxuu sheegay in sharciga siyaasada ee Jinsiga oo dhawaan ay Xukuumada meelmarisay in ay ku jiraan qodobo ka horimaanaya Shareecada Islaamka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in Xukuumadda Soomaaaliya ay qalad ku dhacday maadaama ay ansixiyeen Buuk qilaafaya Diinta Islaamka.

Dhinaca kale, markii Golaha Wasiirada ay kulan ugu yeereen Sheekh Bashiir ayaa Sheekhu waxuu ka laabtay go’aankiisii ku aadaan carada uu ka qaaday qodobo ku jira Siyaasada Jinsiga Soomaaliya.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa shaaca ka qaaday in si qaldan ay Saxaafada u turjuntay hadalkiisa.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa shaaciyay in arintaasi guddi loo xilsaaray kadib markii Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Sikastaba, Dadka qaar ayaa aaminsan in qodobada qaar ee Siyaasada Soomaaliya ay ka horimaaneyso Shareecada Diinta Islamaaka waxaana xusid mudan in ansixinta Buugaasi uu ka dhashay murun badan.