Maxaa ka og tahay Shaqaalihii Hay’adda NILE ee Soomaaliya Joogay

0

Shaqaalihii u danbeeyay ee Turkey ah ee ka howlgali jiray cisbitaalka Deva oo ay maamusho hay’adda Nile ayaa maanta ka baxay magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo dhawaan Shaqaalihii u shaqayn Jiray Hay’adda Nile Acedamey ku amartay inay dalka Isaga Baxaan, waxaana weli lahaynin cid buuxisay booskii ay baneeyeen shaqaalihii Turkiga ee dalka ka baxay.

Hadaba Shaqaalaha Soomaalida ah ee Isbitaalka Deva oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka looga fadhiyo in ay fuliso balanqaadyadii ay suubisay, oo ahaa in shaqaalaha iyo Bukaanka Isbitaalka Deva aysan dareemi doonin wax is bedel ah, marka ay shaqaalaha Hay’adda Nile Acedamey ay dalka Isaga Baxaan.

Hay’adani ayay dowladda Federaalka ee Soomaaliya dalka ka Burisay, kadib markii ninka iskaleh Hay’adani (Fethullah Gülen) Dowladda Turkiga ay ku eedeysay in uu Madax ka ahaa Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga, sidaasina Turkiga Dowladda Soomaaliya ugu Cadaadisay in Hay’dani ay dalka ka buriso.