Maxaa ka so kordhay Qaraxyada ka dhacay Muqdisho ? +SAWIRRO

0

Xaaladda ayaa hadda degan, kadib qaraxyadii mattaanaha ahaa ee ka dhacay laba goobood laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ee xigta degmada Mediina oo lagu magacaabo Medina Gate.

Qaraxyada ayaa la sheegay in loola dan lahaa xarunta Peace Village oo kasoo horjeeda garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah goobta ay degan yihiin saraakiisha UNSOM iyo wakiilka UN-ka u jooga Soomaaliya Micheal Keating.

Xaruntaasi oo burbur xoog leh gaaray ayaa warar hordhaca ay sheegayaan in lagu dilay 12 askari oo 9 kamida ay yihiin ciidamada UN-ka ee Muqdisho ku sugan, 3 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay goob isbaaro u taallo ciidamada Soomaalida, kaasoo qasaare badan geystay, kadibna waxaa xoog ku soo maray wadadda gaari kale oo miineysan kaasoo ku qarxay agagaarka laga galo xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha.

Alshabaab oo sheegatay in weerarkaasi ka danbeysay sida ay soo xigatay Alajazeera. Dhinaca kale AMISOM ayaa sheegatay inay fashiliyeen weerar uu sheegay in lagu qaaday Albaabka Garoonka Aadan Cadde qeybta Madiina Gate.

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet laga soo xigtay in qaraxyada oo ahaa laba qarax la fashiliyay iyadoo ay kaashadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

1 2 3