TOP NEWS:- Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xukumay dalka Britain iyo Muran ka dhashay

0

Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xukun ku riday muwaadin Soomaaliyeed oo waxkabaran jiray jaamacadda Middlesex University, kaasoo lagu eedeeyay in uu ku biiri rabay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Cubeyd Xasan Jaamac oo 19-sano jir ah ayaa la soo taagay maxkamada, kadib markii lagu soo oogay  inuu qorsheynaayay ku biiro Kooxda Daacish.

Booliska Britain ayaa waxay soo bandhigeen qoraalo iyo Sawiro muujinaya in uu ku biiri rabay kooxda Daacish.

Cubeyd ayaa la sheegay in uu kooxda Daacish ku taageeri rabay aqoontiisa cilmiga kombiirtarka, islamarkaana looga shakiyay in uu qorshaynayay in uu Daacish ku caawiyo weerarada lagu fuliyo Kombiyuutarada.

Qareenka u doodayay Cubeyd Xasan Jaamac ayaa sheegay in uu Cubeyd yahay da’ yar maskaxda laga xaday, sidaas darteedna maxkamada laga rabo in ay dib u eegto xukunka lagu riday.

Ugu dambeyntii Cubeyd Xasan Jaamac ayaa maxkamada waxa ay ku xukuntay saddex sano iyo Bar xarig ah.

Xabsiyada dalka Britain ayaa  waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaa soo lagu eedeeyay in qorshaynaayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish.