Natiijada Imtixaankii ay qaaday dowladda oo Bari lagu dhawaaqayo

0

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  in Bari oo Khamiis ah lagu dhawaaqi doono Natiijada Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir Wasaarada Waxbarashada dowladda Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaashi oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bari ku dhawaaqi doonto imtixaankii ay ka qaaday ardayda Soomaaliyeed.

Dhanka kale wasiirka ayaa ka hadlay xaalada ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Turkiga ,waxuuna sheegay in uu kala hadlay dowladda Turkiga in aysan dayacmin ardayda Soomaaliyeed.

“Waan kala hadalnay dolwadda Turkiga Xaaladda Ardaydaas, waana isku afgaranay inaysan dayacmin Ardayda Soomaaliyeed, Mana dayacmayaan.” Sidaas waxaa yiri wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Dhawaan Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ayaa saameyn ku yeeshay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga , waxaana xirmay qaar ka mid ah jaamacadihii ay wax ka baran jireen.