Nin la dhashay Madaxweyne Obama oo taageeray Donald Trump

0

Maalik oo ay isku aabe yihiin Madaxweynaha ayaa Dadka Maraykanka ugu baaqay inay u codeeyaan Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, oo aysan u codeynin Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton.

Maalik Obama ayaa Wareysi bixiyey isagoo wata Koofiyadda Ololaha Donald Trump ee lagu qoray “Maraykanka mar kale ka dhig mid weyn”.

Ninka ay Madaxweyne Obama isku aabaha yihiin waxa uu si kulul ugu eedeeyey Madaxweyne Barack Obama iyo Hillary Clinton inay ka dambeeyeen falkii lagu khaarijiyey Hoggaamiyihii dalka Libya,Kolonel Mucamar Alqadaafi.

Maalik Obama waxa kale oo uu sheegay inuu xiriirka u jaray Barack Obama, kadib,markii uu taageeray Guurka dadka isku Jinsiga ah.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu xumaaday xiriirka Labadaasi nin, iyadoo Maalik Obama sheegay inuusan Walaalkiisa ka helin wax taageero ah.