Nin lagu eedeeyay dilka Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Maxkamad la soo taagay

0

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soo hor muuqday nin lagu eedeeyay in uu dil u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Mareykanka.

Maxkamada oo ku taala magaalada Lauderdale  ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka ,waxaa la soo taagay Anthony Sawina 26- jir ah kaa soo lagu eedeeyay in uu dilka u geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Anthony Sawina ayaa loo heystaa in uu ka dambeeyay dil loo geystay  dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dhaawacay magaalada Lauderdale  ee gobolka Florida .

Anthony Sawina ayaa la sheegay in toogashada sababaha uu u  geystay ay ka mid aheyd isir Neceb oo u qabo dadka Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi.

Ninkaan  ayaa la sheegay in sidoo kale loo heysto falal kale oo  lidi ku ah ammaanka dalka Mareykanka.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool magaalooyink kala duwan ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu horeeyso Isir naceybka.

Maxkamada la soo taagay  Anthony Sawina  ayaa sheegtay in ninkaas lagu damiin karo kaliya lacag cadadkeedu dhan yahay 750,000 kun oo dollar-ka Mareykanka ah.