Puntland oo maanta sii deyneysa Maxaabiis ku xiran Magaalada Garoowe

0

Maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhexe ee Garowe kasii daynaya 33 maxaabiis ah oo uu dhawaan cafis ufidiyay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qoraal madaxtooyada Puntland kasoo baxay oo loo gudbiyay taliska xabsiga dhexe ee Garowe ayaa lagu faray in maxaabiista lasii daayo labada bisha julay oo maanta ku beegan sida Wararku ay sheegayaan .

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa waxay isku diyaarinayaan inay xoriyadooda dib u helaan, iyagoo ka faa’idaysanaya cafiska uu madaxweynaha ufidiyay oo lagu weynayayo maalinta ciida awgeed.

Taliyaha ciidanka asluubta Puntland General Cali Nuur ayaa lagu wadaa inuu saxaafada la hadlo, si uu uga warbixiyo maxaabista la siidaynayo.