Qarax xoogan oo ka dhacay Goob bandhig faneed lagu qabanaayay

0

Nin naftii hurre ahaa, ayaa isku qarxiyay bannaanka hore ee goob ay ka socotay bandhig faneed, ka gadaal markii loo diiday in uu gudaha u galay goobtaasi.

Weerarkan, ayaa waxaa ku dhintay ninkii weerarka gaystay oo ahaa 27 jir u dhashay dalka Suuriya, halka 12 kalana ay ku dhaawacantay.

Ciidamada ammaanka oo markiiba buuxiyay halkii uu qaraxa ka dhacay, ayaa waxay xireen wadoooyinka soo gala. Shaqaalaha gurmadka deg degga oo sidoo kale gaaray waxay ka daad gureeyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Magaalada Ansbach oo ah halka uu weerarkan ka dhacay, ayaa waxay ka tirsan tahay Gobolka Bavaria ee Koonfurta Jarmalka, waana weerarkii saddexaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca Gobolkaasi.

Goobta uu bandhigga ka socday waxaa ku sugneyd laba kun iyo shan boqol oo qof, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobolka Bavaria, Joachim Herrmann.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in ninkii weerarka gaystay oo qura uu ku dhintay weerarka, iyadoo 12 kale oo rayid ahaana ay ku dhaawacantay.

Saddex ka mid ah dhibanayaasha waxaa uu sheegay in xaaladoodu ay liidato.

Joachim Herrmann, ayaa xusay in ninka weerarka gaystay uu ahaa magangelyo doon, kaasoo Jarmalka yimid sida uu sheegay laba sano ka hor. Ninkan waxaa loo diiday in magangelyo laga siiyo dalkaasi, balse waxaa loo ogolaadday in si ku meel gaar ihi uu ugu noollaado, maadaama ay dagaalo ka soconayaan dalkii uu ka yimid.