Qorsho ku saabsan Xayiraadda Hubka Somalia oo QM loo wado

0

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu berri oo Isniin ah ka furmo Caasimadda dalka Mauratania ee Nawakhshood.

Hoggaamiyayaasha waxay ka wada hadli doonaan Ajendooyin ay ugu muhiimsan Faragelinta Iiraan iyo Jesiiradaha ay ka haysato dalka Imaaraadka Carabta, Colaadaha Yeman, Libya, Xaalladda Somalia, Falastiin iyo qoddobo kale.

Kulan Hordhac ah oo ay Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta maanta soo gebagebayn doonaan ayey ku diyaariyeen Bayaanka ay ansixin doonaan Madaxda Carabta, kaasi oo loogu magac darayBayaanka Nawakhshood.

Wargeyska Asharqal Awsad ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Bayaanka Nawakhshoodlagu xusayo Qoddobo badan oo khuseeya dalalka Somalia, Yemen, Falastiin.

Hoggaamiyayaasha Carabta waxay ku baaqi doonaan Taageero Degdeg ah oo la siinayo Dowladda Federalka Somalia ee dhinacyadda Dib-u-dhiska, Xoojinta Hay’addaha Amniga, Ciiddamadda iyo kuwa Dowladda.

Waxaa kale oo uu War Murtiyeedka Madaxda Dowladaha Carabta, ugu baaqi doonaa Golaha Ammaanka ee QM in la qaado Xayiraadda Hubka ee weli saaran Somalia, si ay Dowladda guul uga gaarto Sugidda Ammaanka iyo Dagaalka Alshabaab.

Madaxda Carabta, waxay kaloo ku baaqi doonaan in Somalia laga cafiyo Daymaha Lacageed ee lagu leeyahay, si loo dhiiri geliyo Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha Madaxda Carabta ee berrito ka furmi doona dalkaasi.