Ruushka oo Saxiixay qaraar Heshiis Cusub ee uu la galayo Turkiga

0

Ra’isal Wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa  saxiixa Qaraar dhigaya in la sii wado iskaashiga Xukuumadiisa  ee Xukuumadda Turkiga  ilaa Sanadka 2019ka.

Heshiiskaasi ,waxa uu ka kooban yahay  horumarinta Cilaqaadka labada dal,dhaqaalaha, Culuunta iyo dhaqanka.

Wakaalada  Wararka Ruushka ee Taas, ayaa soo warisay in qoddobada heshiiska uu saxiixay Dmitry Medvedev ,ay qodobadiisa ka mid yihiin in dib loo bilaabo kulumada  Madaxda  labada dal iyo  in la aasaaso Sanduuq wadajir ah ee horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Turkiga, ayaa dhowaan ka heshiyay khilaaf  bilooyin socoday ee xagga dibolomaasiyadda ah.