Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay Dugsiyadii iyo Isbitaalkii Nile Academy

0

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegayaan in Safaaradda Turkiga ku leedahay magaalladda Muqdisho hoos imaan doonaan Saddexdii Dugsi iyo Isbitaalkii ay maamuli jirtey Hay’adda Nile Academy, taasi oo xiriir dhow la leh  Hoggaamiyihii abaabulay Afgembigii Fashilmay ee Isbuucii hore ka dhacay dalka Turkiga,Fatxullaahi Gulen.
Ilaha Diplomaasi waxay kaloo sheegeen in laga bilaabo maaanta oo Axad ah inay Safaradda Turkiga ee Somalia la wareegeen dhamaan Hawlaha Dugsiga Hoose ee Gabdhaha iyo Dusgiga Sare ee Gabdhaha ee ay horey u maamuli jirtey Hay’adda Nile Academy oo laga eryey Muqdisho.

Sidoo kale, Isbitaalka ay Hay’adda Nile Academy maamuli jirtay ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo Hantidii Isbitaalkaas loo wareejin doono Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Somalia-Turkey Training and Research Hospital.

Dhinaca kale, Tan iyo markii ay Dowladda Somalia soo saartay amarka lagu cayrinayey Shaqaalihii Hay’adda Nile Academy  waxaa magaalladda Muqdisho ka ambabaxay 40 xubnood oo ka tirsan Shaqaalaha Hay’addaasi iyo Qoysaskooda.