Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Mauratania

0

Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa maanta uu ka furmay caasimada dalka Mauratania ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda carabta.

Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah khilaafka u dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo ,Iraan ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda, Yemen iyo Libaya iyo xaalada guud ee Soomaaliya.

Warbaahinta caalamka oo soo xiginaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonto Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qodobada Hor u dhac ah ee laga helayo kulanka maanta ka furmay dalka Mauratania ayaa sheegaya in wadamada Jaamacadda Carabta ay codsi u gudbin doonaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ,kaas oo ku aadan in cuna qabateynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya, madaama ay dowladda Soomaaliya dagaal culus kula jirto Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee dalka Kwait ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha Hore.