Siyaasi caan ah oo qarka u saran inuu Bedelo Ban ki Moon iyo Natiijo hordhac ah oo..

0

Natiijo hore dhac ah oo aan rasmi aheyn ayaa tibaaxaysaa  in R/wasaarihii hore ee dalka Portugal Antonio Guterres, uu ku soo baxay inuu bedelo Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Mr. Ban ki moon oo xiligiisii gabaabsi yahay.

War laga soo xigtay Ilo dibolomaasi  ayaa sheegayaa in Natiijadaasi o horudhac ah ay ka dambeysay, kulan sir  oo uu yeeshay Golaha amaanka Qaraamada Midoobay laguna ogaaday in Antonio Guterres, oo ka mid ah siyaasiyiinta u sharaxan xilka Xoghayaha guud ee Qaraamada Midoobay  uu helay codka ugu badan, halka kaalinta labaad ee  tartankaasina uu galay Madaxweynihii hore ee dalka Slovenia Danilo Türk.

R/wasaarihii hore ee dalka Portugal Antonio Guterres, ayaa la sheegay inuu ka helay Xubnaha golaha amaanka  12 cod,saddexna way ka aamustay, labana way diideen, iyadoo tirada guud ee Xubnaha Golahaasina ay dhan yihiin 16 xubnood.

Sida Qorshuhu yahay Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Ban ki moon, ayaa waqtigiisu ku eg yahay dhamaadka bisha Dicehnber ee 2016ka, kadib markii muddo 10 Sano ah uu xilka Xoghaynimada uu hayay.

Dalalka Xubnaha ka ah Jamciyadda Qaraamada Midoobay oo gaaraya 193 dal, aya Sanadkan isku raaceen in codka doorashada Xoghayaha guud ee Q/Midoobay laga dhigo mid sir ah, muddo 70 Sano kadib.