Siyaasiga Axmed Cabdalle Axmed oo sheegay in la Musuqmaasuqay Ugaaska Beesha Reer Aw Xasan

0

Waxaa weli isi sootaraya Cabashooyinka la xiriira hanaanka lagu soo xulay 135-ta Oday ee Beelaha Soomaaliyeed matalaya kuwaas oo ka qeyb qaadanaya soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda bedeleysa tan haatan dalka hoggaanka u heysa.

Siyaasiga Axmed Cabdalle Axmed oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana soo jeeda beesha reer Aw Xasan ayaa sheegay in sanadkii 2012 Ugaaska Beeshaasi ee Rasmiga ah uu musuqmaasuqay Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowladdii KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan , haatanna sida uu sheegay uu sidii oo kale uu isdaba mareeyay Ugaaska Beeshaasi Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Booskii Ugaaskooda la galiyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wada yaqaanno kaas oo aan dhaqan wax shaqo ah ku lahayn.

Dhinaca kale Siyaasiga Axmed Cabdalle Axmed ayaa sheegay in dalka awoodiisa ay isku ballaariyeen Kooxo Diimeedka Dam Jadiid oo uu ku tilmaamay Urur xag jir ah kuwaas oo Maamullada degmooyinka Muqdisho iyo xilalka hay’adaha dowladda isku koobay isagoo ka digay cawaaqib xumo midaas ka dhalata.

Ugu dambeyn ayuu Siyaasiga Beesha Caalamka ku baaqay in la soo fara galiyo wax uu ku sheegay Musuqmaasuqa lagu hayo Beelaha Soomaaliyeed dhaqankooda.