Soomaaliya Nin Buka boqol u talisay!!

0

Waxaa muran iyo shaki galey jamuuriyaddii Soomaaliya tan iyo 2012)) arrimaha shakiga iyo callaamad su’aalka galay waxaa kamida Calanka baluuga ee Soomaaliya kadib Bishii Oktoobar 2015″ markii ay (Suuqa) soogashay in labadalayo Calanka Soomaaliya ee Baluuga, shakiga labaad wuxuu ahaa Bishii Nofeembar 2015, waxaa muran galay xuddudka u dhexeya Kiinya Soomaaliya kadib markii Kiinyatigu, ay fujiyeen baa,bi`iyeen callamadihii xudduud-beeneedka ahaa ee magaallooyinka Beled Xaawo ee Somaaliya iyo Mandheera.

arrinta kale ee shakiga lagashay,28, Juun, 2016 waxaa qeylodhaan xoogan so soosaaray Culumo awdiinka Soomaaliya kadib markii lasheegay in Wasaaradda Haweenka & Horumarinta xaquuql.Aadanah, ay soo gudbisay SIYAASADDA QARAN EE JINSIGA- 2016}: kaasoo lagu sheegay in uu lidi ku yahay Diinta islmaka xigmad Soomaaliyeed ayaa oranaysay Sheekhow Alif wax buuleeyahay iyo Alif wax male adigaa lagaa maqlay)” Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Diinta Islaamka iyo shakigaan sidee la isku waafayin doona? maxaaba keenay arrin diinta taabanaysa haddii dastuurkeennu ku salleysan yahay Sharciga suuban ee Islamaka?.

Haddaba maxaa muranka dhaliyeey siiba qodobka xasaasiga ee diinteenna suuban ku -aadan? malaga yabaa in Beesha caalamka Siyaasiinta iyo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya ayku cadaadiyan kuna qasban arrimo dhaawici kara (Diinteena), sharafta Dalnimo xudduudaha iyo Asataanta Qaranka iyagoo ugu goodinaya ama ugu hanjabaya inay ka goosan doonaan deeqaha dhaqaale Ilaalinta Amanka iyo aqoonsiga diblamaasiyadeed? Sidaasna ay keento khaladad badan oo dhaka faar iyo anfariir ku rida Soomaalida..

waxaa xusid mudan inay so bandhigtay jiriirada muuqalka ee (DALSOOR)arrimo la yaab leh Midawga Yurub waxaa lasiiyey dhul kuyal Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho si ay xarun uga dhistan tasoo ay tobannaan Qof kashaqayn doonaan, haddaba warqado ay Diyarisay qeybta dibada ee shaqada ee Yurub, oo ay lagaleen shirgaddaha maamulaya xaruntaas ayaa waxaa ku qoran sidan.

(The contractor shal not employ Somalia National or personnel of the Somalia services on-s)

Oo micneheedu yahay Qof Soomaaliya ama haysta jinsiyadda Soomaaliga wax adeegga kama bixin karo xaruntaas taasoo hoggaamiyayaasha Qaranka Soomaaliya aysan kawarhayn ama kawar hayan laakiin ay ka amusan yihiin tasoo Qaranimada Soomaaliya halis ku ah..

It’s Garowe (World Visison Somalia:The organisation is advertising a vacancy but only Kenyans can appl): oo micneheedu yahay..

World Vision Soomaaliya: Hay’addan waxay xayaysiinaysaa boos shaqo laakiin waxaa codsan kara Kiinyatiga kaliya, Garoowe ma Kiinya ayaa leh, halis madax bannaani soo mahan tanina..

Ma jiraan meelo laga Kontoroolo ama lagu ilaaliyo dhaqdhaqaqa dadka Diimaha kale haysta & dadka soogalootiga ee Soomaaliya joga sida kuwa faafiya dimuqraaddiyadda, an Diinta kudhisneyn, Guursiga dadka isku jinsiga iyo kuwa faafiya diinta kiristanka?..

Soomaalidu waxay ku maahmaahda (Sacab) habeynimo maxaa loo tuma haddii usan wax kujirin):: waxaan ula jeeda maxaa qeylodhaanta keenay haddii aan shaki jirin. mise laga yabaa in Ururka hubaysan ee Alshabab uu taageero xoogan kuhelo arrinta Ayammahan tagan ee Qoomadluudnimadda ku sabsan.

Fiiro gaara wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu beniyey in arrinkaas wasiiradda Soomaaliya aysan ansixin arrintana ay faafiyeen Dad dano siyaasadeed kaleh waa arrinta muranka dhalisay ee SIYAASADDA QARAN EE JINSIGA- 2016 ..

Waxaan ku soo koobaya xigmaddii oranaysay Qof bugaa Boqol u talisay) Soomaaliya waa bugtaa waxaana noo taliya wajiyo kala duwan kala diina kala fikir iyo kala maamul ah. Ogow dastuurka Soomaaliya waxaa gacan ka geysta ajanibta..

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada..