TACSI: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo ka tacsiyeeyay geeridii Gen. Caarre.

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Adem Axmed ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Sareeye Guuto Cabdiraxmaan warsame Cilmi (Gen. Caarre) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Waxana ay xuseen Generaalku ahaa wadani muujiyay karti iyo howlkarnimo mudadii dheereyd ee uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Diini waxa uu ku tilmaamay allaha u naxariistee Generaal Caarre nin waqti badan oo noloshiisa ka mid ah ku bixiyay sidii ay amni iyo kala dambeyn u heli lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliyeed taasoo ugu dambeyn isagoo ummadiisa u adeegayo uu alle oofsaday.

Allaha u Naxariistee Gen.Caarre ayaa muddo dheer kamid ahaa Ciidanka Xoogga dalkaSoomaaliyeed, isagoo kamid ahaa saraakiishii doorka muuqda ka soo qaatay dhismaha Ciidanka iyo dib-u-dhiska dalka.

Waxaana tacsi loo dirayaa ehelka marxuumka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.