DHAGEYSO:- Tahriibayaal laga soo bad baadiyay badda Talyaaniga

0

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay soo bad baadiyeen Tahriibayaal gaaraya 120 Qof kuwaas oo doonayay tahriib in ay ku galaan dalalka Yurub.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in ciidamadooda ay arkeen tahriibayaashan oo saarnaa Doon yar kadibna ay qaadeen oo ay geeyeen xero ku taala magaalada Sicily oo ku taala dalka Talyaaniga.

Afhayeenkaan ciidamadda badda Talyaaniga u hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dadka la soo bad baadiyay ay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika, isagoo intaa ku daray in dadkan qaarkood ay xanuunsanyihiin.

Wadamo ay ka mid yihiin Ethiopia, Soomaaliya, Eritrea, Libya iyo Falastiin ayay u dhasheen tahriibayaasha saarnaa Doonta sida Talyaaniga laga soo xigtay.

Xeebaha dalalka Masar iyo Libya ayaa waxa ay ka mid yihiin meelaha ay ka baxaan tahriibayaasha haminaya in ay Yurub tagaan si ay u helaan nolol ka duwan tan ay ku haystaan wadamadooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-