Tahriibiyaal laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

Ku dhowaad 196 Tahriibayaal ah ayaa la soo badbaadiyay iyagoo dul sabeynaya badda Mediterranean-ka, waxaana dadkan laga soo bad baadiyay meel 40 mayl dhanka bari kaga beegan magaalada caasimada ah ee Tripoli.

Saraakiisha xeebaha dalka Liibya ayaa aaminsan in soo galootigan ay ka kala yimaadeen dalalka Afrika ee Saxaraha ah sida Soomaaliya, Eritrea, Sudan, iyo gobolada kale.

Mid ka mid ah muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaa u sheegay saraakiisha in ay ahaayeen Labo Doonyood sidoo kalena ilaa iyo hada la la’yahay midi kale ee la socotay, waxaana howlgalkan badbaadinta ah la fuliyay 2 maalin ka hor.

Sida laga soo xigtay Reuters dadka la badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 27 dumar ah iyo laba caruur ah, iyadoo sidoo kale Reuters ay warbixinteeda ku dartay meydadka 21 Qof in laga helay Badda Mediterranean-ka, kuwaas oo biyaha dul sabeynayay.

Hay’adda Medicine Sans Frontieres (MSF) ayaa sheegtay in weli badda Mediterranean-ka ay gaaf wareegayaan Labo Doonyood kuwaas oo lagu howlan yahay sidii loo soo badbaadin lahaa.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay ku guulaysteen inay badbaadin 196 qof oo ay ku jiraan 50 carruur ah.