TOOS U DAAWO:- Maxaa ka socda Garoowe ?

0

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay magaalada Garoowe, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan xulka Kubadda Cagta Puntland oo galabta ku guuleystay Ciyaaraha maamul goboleedyada.

Shacabka ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin guushan Taariikhiga ah, waxayna sheegeen in horey Koobkan looga qaaday Garoowe, haddana dib loogu soo celiyey Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in kor loo qaadi doono Tayada kubada cagta ee Puntland, sidoo kalena ay guushaan muujinayso in Puntland dhinac kasta ka tahay maamul dhameystiran.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa hada waxaa ka socota qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta ciyaartoyda Puntland oo ku guuleysatay Tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.

1 2 3 4 5 6