TOOS U DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo laga saaray deegaano ay kaga sugnaayeen gobolka Baay

0

Ciidamada Booliiska ee gaarka ah Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Deegaanka ay Ciidamada Koofur galbeed Soomaaliya la wareegeen ayaa waxaa lagu magacaabaa deegaanka Yaaq Baraawe oo hoos taga Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Ciidamada Mamaulka Koofur galbeed ayaa Weerar ku qaaday deegaanka Yaaq Baraawe ka dibna dagaal ugu saaray Al-Shabaab deegaankaasi.

Deegaanka Yaaq Baraawe ayaa waxa uu 30 KM u jiraa Magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Baay, waxaana horay ugu sugnaa Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-