TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in AMISOM ay kala wareegeyso Amaanka Guud ee Dalka

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay in ciiamada xoogga dalka Soomaaliya ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ku aadan sidii ciidanka AMISOM ay ugala wareegi lahaayeen guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay diyaariyeen ciidamadii AMISOM kala wareegi lahaa amaanka dalka, isagoo sidoo kalena sheegay in  AMSIOM ay Soomaaliya amaanka dalka wax badan ka qabatay.

Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sidoo kale diyaar uyihiin ka hortaga falalka amni daro.

Dhowaan ayay aheyd markii Taliyaha ciidamada Milateriga ee dalka Uganda General Katumba Wamala uu sheegay in ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

General Katumba Wamala ayaa sheegay in hada la joogo xiligii dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn lahayd in ciidamadeeda ay si weyn u sugaan amaanka islamarkaana ay ka hortagi lahaayeen Al- Shabaab.

Uganda ayaa ah  dalkii ugu horeeyay ee African ah oo ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

HALKAAN KA DHAGEYSO