TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Xasan Sheekh oo Xaniinyaha qabatay Malkiilayaasha iska leh Hoteelada iyo Go’aan Doorashada ku aadan..

0

Xilli siyaasiyiinta iyo Murashaxiinta dooneysa qabashada Xilka Madaxtinimada Soomaaliya bilo ka dib dalka ka dhaceysa ayaa hadana olalahooda inay soo bandhigaan waxa ay umuuqataa mid la cunuqabateeyey.

Warqad qoraal ah oo warbaahinta loo qeybiyey ayaa waxay kasoo baxday Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya waxaana digniin loogu jeediyey Malkiilayaasha iska leh Hoteelada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradaasi C/kaamil Macalin Shukri oo wareysi siiyey Idaacad ku taalla Muqdisho waxa uu sheegay inay uga goleeyihiin Amarkaasi ka warqabka Hoteeladaasi xilli ay Shirarka ka dhacayaan oo Amnigoodana la xaqiijiyo.

Waxa uu Shukri iska fogeeyey inay Wasaaradu carqalad ku tahay in shirar Siyaasiyiintu ku yeeshaan Muqdisho oo looga hadlayo Arimaha Doorashada iyo olalaha in lagu soo bandhigo.

Shalay magaalada Muqdisho waxa ka qabsoomay Shir ballaaran oo siyaasiyiin qaar murashaxiin yihin ka qeyb galeen aadna loogu dhaleeceeyey Siyaasad xumo ay ku sheegeen in dalka uu geliyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xisbigiisa.

HALKAAN KA DHAGEYSO