TOOS U DHAGEYSO:- Waa Sidee Xaalada Amni ee Degmada Dayniile ?

0

Maamulka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay xaalada amni ee degmada Deyniile.

Xoghayaha maamulka degmada Deyniile Mahad Maxamed Shiraawe oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in amniga degmada Deyniile uu wanaagsan ,islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay degmadaasi ka sameeyaan howlgalo lagu la dagaalamaayo ururka Al-Shabaab.

Mahad Maxamed Shiraawe ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen amniga degmada Deyniile, islamarkaana wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeeyso ciidanka amniga iyo sidoo kale Shacabka kunool degmada Deyniile.

Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal lidi ku ah ammaanka degmadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO