TOOS U DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Magaalada Beledweyne, Xaflada Caleema saarka,Amaanka iyo Dadka ka qeyn galaya

0

Iyadoo maanta la filayo Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan in ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo Saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa waxaa shalay gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin.

Sidoo kale maanta Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa la filayaa in ay gaaraan Wufuud kale oo ka kala imaanaya gobolada dalka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Saraakiisha dhanka maniga gobolka ayaa waxa ay sheegeen in si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Beledweyne.

Taliyaha ciidamada Boliiska magaalada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in amaanka ay aad u adkeeyeen islamarkaana ay geeyeen ciidamo Boliis ah goobta lagu wado in lagu caleemo saaro Ugaaska.

HALKAAN KA DHAGEYSO