TOOS U DHAGEYSO:- Xiisad ka jirtay Somaaliland oo xal laga gaaray

0

Cumar Jaamac Saleymaan oo ka mid ah ergada dhex dhexaadineyso beelaha ku dagaalamay Koofurta gobolka Sool ayaa sheegay in lagu guuleystay xalinta dagaal beeleedkii ka dhacay koofurta gobolkaasi.

Waxa uu sheegay in ay dadaal badan ka dib ku guuleysteen in ay xaliyaan dagaalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka gobolka Sool ay ka qeyb qaateen dadaalkii lagu joojiyay dagaalkaasi isla markaana beelihii dagaalamay ay ogolaadeen in ay dagaalka joojiyaan.

Horay waxaa koofurta gobolka Sool ugu dagaalamay beelo wada dega gobolkaasi, waxaana madaxda Somaliland ay horay u sheegeen in aysan ogolaan doonin shacabka Somaliland mar kale lagu dagaalamo.

HALKAAN KA DHAGEYSO