TOOS U DHAGEYSO: Xiisado Dagaal Oo Maanta Ka Taagan Gobolka Galgaduud

0

Xiisad colaadeed ayaa waxa ay ka taagan tahay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa dhaq dhaqaaq ciidan waxa ay ka wadaan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo warar kol hore soo baxayay ay sheegayeen in ay qorsheynayaan in ay gudaha ugalaan degmada Guriceel.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Ahlu-sunah ee maamula magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb ayaa waxa ay gaareen goobahaas oo la sheegay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahanada Shabaab.

Afhayeenka Ururka Ahlu-Sunah Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta halkaasi gaartay ayaa Idaacadda Risaala uga warbixiyay arimahaasi.